Fernando Santos oo amaan kala dul dhacay Cristiano Ronaldo kahor finalka UEFA Nations League

(Yurub) 08 Juunyo 2019. Macalinka xulka qaranka Portugal ee Fernando Santos ayaa amaan kala dul dhacay Cristiano Ronaldo, isagoo sheegay inuu qeyb kasii ahaan doono ciyaartoyda ugu fiican adduunka sanadaha soo aadan.

Hadalka tababare Fernando Santos ayaa wuxuu imaanayaa kahor kulanka habeen dambe Axada ah ay xulalka Portugal iyo Holand ku wada ciyaari doonaan finalka UEFA Nations League.

Tababare Fernando Santos ayaa shir jaraa’id uu maanta kasoo muuqday wuxuu ku amaanay Cristiano Ronaldo:

“Wuxuu isku muujiyay sannadihii lasoo dhaafay, waxaan rajeynayaa inuu sii wado seddex ama afar sano marka ay ugu yartahay, sababtoo ah wuxuu leeyahay go’aan adag si uu u gaaro hadafyadiisa”.

“Cristiano Ronaldo si buuxda ayuu diyaar u yahay, wuxuuna tababarka ku sameeyaa wax walba uu awoodo”.

Si kastaba ha ahaatee, Ronaldo ayaa dhaliyay goolasha saddexleyda ah kulankii ay xulka qaranka Switzerland kula ciyaareen wareega afar dhamaadka koobka UEFA Nations League, waxayna habeen dame ee Axada ku balansan yihiin dhigooda Hoaland inay wada ciyaaraan kulanka finalka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close