DEG- DEG: Paris Saint-Germain oo shaacisay mudada uu maqnaanayo Neymar Jr

(PSG) 08 Juunyo 2019. Kooxda Paris Saint-Germain ayaa war rasmi ah kasoo saartay mudada uu garoomada ka maqnaanayo xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr iyo nooca uu yahay dhaawaca soo gaaray.

Paris St Germain ayaa xaqiijisay in Neymar Jr uu garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan afar isbuuc, kaddib markii uu maray baaritaano caafimaad.

Hadaba war saxaafadeed rasmi ah oo ay soo saartay kooxda reer France ee PSG ayaa waxay ku sheegtay.

“Waaxda caafimaadka ee kooxda ayaa waxay maanta oo Sabti ah qiimeeyeen xaalada dhaawacii Neymar Jr kasoo gaaray Arbacadii kulankii saaxiibtinimo ee xulka Qatar”.

“Baaritaanadii la sameeay waxay muujiyeen inuu dhaawac kasoo gaaray dhanka canqawoga ee lugta midig, isla markaana uusan u baahneyn inuu qaliin maro, si uu u soo laabto afar toddobaad kadib”.

Waa xusid mudan in Nemar Jr uu dhaawaca kasoo gaaray inta lagu gudi jiray kulankii saaxiibtinimo ay wada ciyareen xulalka Brazil iyo Qatar, wuxuuna seegi doonaa tartanka Copa America 2019, kaasoo bilaabanaya maalmaha soo socda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close