Waakee ciyaaryahanka kaliya uu ka doonayo Jurgen Klopp suuqa kala iibsiga ee xagaaga?

(England) 07 Juunyo 2019. Macalinka reer Germany iyo kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaan qorsheeneynin inuu lacago badan ku bixiyo suuqa kala iibsiga ee xagaaga dhawaan furmi doono.

Jürgen Klopp ayaa weydiistay maamulka kooxda Liverpool inay u shaqaaleysiiyaan kaliya hal ciyaaryahan kaddib marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee xagaaga sida uu qoray wargeyska “Bild” ee dalka Germany.

Matthijs de Ligt TEAMtalk

Wargeyska “Bild” ayaa sheegay in Jurgen Klopp uusan dooneynin waxaan ka ahayn saxiixa daafaca 19 jirka ah ee reer Holand iyo kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt.

Klopp ayaan wax dood ah ka qabi doonin haddii uu helayo saxiixa Matthijs de Ligt si uu safka kooxdiisa Reds ugu buuxisto kahor bilaabashada xili ciyaareedka soo socda.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in saxiixa Matthijs de Ligt ay kaga bixi doonto koox kasta ee dooneysa adeegiisa aduun dhan 70 milyan ginni.

Waxaa xusid mudan in kabtanka kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt sidoo kale lala xiriirinayo ku biirista kooxaha Manchester United iyo Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close