Kooxda Dekedda oo sii dheereysatay hoggaanka horyaalka kaddib guul ay galabta ka gaartay Madbacadda

(Muqdisho) 07 Juunyo 2019. Kulan xiiso badan ayaa galabta ka dhacay garoonka Banaadir ee degmada Cabdicasiis, kaasoo dhaxmaray kooxaha Dekedda FC iyo Madbacadda Qaranka, waxaana kulankan uu qeyb ka ahaa horyaalka Somali Premier League.

Kooxahan ayaa soo bandhigay kubbad aad u sarreysa oo taageerayashii u soo daawasho tagay kulankan ay ku qanceen, balse qeybtii hore kulanka ayaa lagu kala maray 2-0 ay ku hoggaanka ku haysay Kooxda Dekedda FC.

Labada gool qeybtii hore waxaa kooxda Dekedda u dhaliyey ciyaaryahanka lagu magacaabo Feysal Xasan Xaashi, mid ka mid ah labadaas gool ayaa ahaa gool ku laad ama rigoore, taasoo ay qaladkeeda la haayen wiilasha Madbacadda Qaranka, sidaas ayaa lagu kala nastay qeybtii hore dheesha iyadoo kooxda Madbacadda lagu hoggaaminayey 2-0.

Markii dib la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta kooxda Madbacadda ayaa dadaal adag u gashay inay iska soo gudo goolasha lagu lahaa, balse ma aysan dhicin taas.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo dhammaatay 2-0 ay guusha ku raacday Wiilasha Dekedda FC, taas oo ka dhigan inay sii dhiireysteen hoggaanka horyaalka Somali Premier League, waxaana ay leeyihiin 29-dhibcood.

W/D: Cabdifitaax Nani

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close