Xulka qaranka Netherlands oo iska xaadiriyay finalka UEFA Nations League, kaddib markii ay ka badiyeen England… + SAWIRRO

(Yurub) 07 Juunyo 2019. Xulka qaranka Netherlands ayaa gaaray finalka tartanka UEFA Nations League, kaddib markii uu dhigiisa England ku garaacay 3-1, kulankii wareega afar dhamaadka ahaa.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 uu ku hogaaminayay xulka qaranka England.

Daqiiqadii 32-aad Marcus Rashford ayaa ciyaarta ka dhigay 1-0, kaddib markii uu dhaliyay gool rigoore ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay xulka qaranka Netherlands ayaa ciyaarta ku soo galay dardar xoogan waxayna sameeyeen fursado dhow ah si ay u keensadaan goolka barbaraha.

Daqiiqadii 73-aad daafaca kooda Ajax ee Matthijs de Ligt ayaa ciyaarta ka dhigay barbar dhac 1-1 ah, kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis Memphis Depay.

90-ka daqiiqo ee ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbaro 1-1 ah, waxaana ciyaarta lagu daray 30 daqiiqo oo dheeri ah, maadaama kulanka uu ahaa wareega afar dhamaadka..

90+7 daqiiqo xulka qaranka Netherlands ayaa ciyaarta ka dhigay 2-1, kaddib gool uu iska dhaliyay daafaca kooxda Manchester City ee Kyle Walker.

Daqiiqadii 114-aad ciyaaryahanka Quincy Promes ayaa hogaanka u sii dheereeyay xulkiisa qaranka Netherlands wuxuuna dheesha ka dhigay 3-1, kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis Memphis Depay

Ugu dambeyntii xulka qaranka Netherlands ayaa iska xaadiriyay finaka UEFA Nations League, wuxuuna balan adag kaga sameystay dhigooda Portugal oo Arbacadii kaga soo gudbay Switzerland 3-1.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close