RASMI: Kooxda Liverpool oo shaacisay lambarka cusub ee uu xiran doono Alex Oxlade-Chamberlain kal ciyaareedka 2019/20

(Liverpool) 06 Juunyo 2019. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xaqiijisay in ciyaaryahankeeda Alex Oxlade-Chamberlain uu xiran doono maaliyadda lambarka 15-aad ee naadiga xilli ciyaareedka 2019/20.
Kooxda Reds ayaa Alex Oxlade-Chamberlain kal ciyaareedka 2019-20 ku abaal-marisay lambarkii 15-aad ee uu u xiran jiray Daniel Sturridge.
Warbixin ay ku daabacday barteeda Twitter-ka kooxda Liverpool waxa ay ku xaqiijisay in Alex Oxlade-Chamberlain uu xiran doono xilli ciyaareedka cusub lambarkii uu qaadan jiray Daniel Sturridge ee 15-aad.
Sturridge oo 29 sano jir ah ayaa ka tagi doona kooxda Reds 01 bisha July kaddib marka uu dhammaado qandaraaskiisa, markii ay kooxdu u soo bandhigi weysay heshiis kordhin cusub.
Tan iyo markii uu Liverpool ku soo biiray sanadkii 2017-kii, Alex Oxlade-Chamberlain ayaa u xirnaa lambarka 21-aad.
Yeelkeede waxa uu Alex Oxlade-Chamberlain haatan wixii ka dambeeya uu xiran doonaa maaliyadda lambarka 15-aad ee Reds, kaasoo uu Sturridge xirnaa muddo lix sanadood ah oo uu joogay garoonka Anfield.
Mudadii uu xirnaa lambarkaas Sturridge waxa uu dhaliyey 67 gool 160 kulan oo uu u saftay tartammada oo dhan kooxda Merseyside-ka.
25-sano jirkaan Chamberlain ayaa lambarkan 15-aad horay u soo xirtay intii lagu guda jiray maalimihii uu joogay kooxda Arsenal.
1⃣5⃣@Alex_OxChambo will wear our No.15 shirt for the 2019/20 season. 🔴
— Liverpool FC (@LFC) June 6, 2019
Gool FM.