Matteo Messi oo aabahiis si cadawtinimo ah u xasuusiyay guuldarooyinkii Liverpool & Valencia – Miyuuse faham ka heystaa kubadda cagta?

(Argentina) 06 June 2019. Wiilka labaad ee ugu weyn qoyska Lionel Messi ayaa bilaabay inuu banaanka uga baxo guriga isla markaana cadaw ku noqdo aabahiis (Leo) iyo sidoo kale walaalkiisa ka weyn (Thiago) wuxuuna mar walba ku farxaa guuldarooyinkooda.

Matteo wuxuu u dabaal dagaa goolasha Real Madrid si uu kaga careysiiyo walaalkiis Thiago oo aad u neceb, sidoo kalana wuxuu aabahiis si ku maadeysi ah u xasuusiyaa guuldarooyinka soo gaara.

“Matteo wuxuu jecel yahay dhamaan maaliyadaha koox walba, wuuna xirtaa” ayuu Messi u sheegay TyC Sports isagoo ku sugan Argentina.

“Balse markii ugu dambeysay oo aan ciyaareynay (Playstation-ka ciyaar gacmeedka) wuxuu igu yiri: “Waxaan dooranayaa kooxdii ku garaacday ee Liverpool”

“Wuu fahansan yahay inyar kubadda cagta, balse wali ma rumeysna qudheeda”

“Sidoo kale markii aan luminay kulankii Valencia, wuxuu igu yiri: “Valencia ayaa ku garaacday” isagoo qoslaya”

“Wuxuu daawadaa Tv-ga si uu ugu dabaal dago goolasha Madrid ugana careysiiyo walaalkiis Thiago”

Wiilka yar ee laga faalloonayo waa 3-jir.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close