Magacyada xiddigaha waa weyn ee iska diiday Barcelona, kana doortay inay ku biiraan Real Madrid

(Barcelona) 06 Juunyo 2019. Luka Jovic ayaa ku biiray kooxda Real Madrid iyadoo markii hore la hadal hayey inuu u dhaqaaqi doono dhanka naadiga Barcelona, waxaana uu ahaatan hoggaanka u hayaa magacyada xiddigaha waa weyn ee Real Madrid ka door-biday Barca.

Waxa uu Luka Jovic ku biiray liis dheer oo ciyaartoy ahaa kuwaas oo ay Barcelona markii hore ahayd kooxda u muuqatay in ay la saxiixanayso, balse ugu danbayn ku biiray naadiga ay xafiiltamaan ee Real Madrid.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha ay Barcelona heli kartay, balse ka doortay oo ku biiray Real Madrid:-

Alfredo di Stefano, Hugo Sanchez, Christian Karembeu, David Beckham, Karim Benzema, Martin Odegaard, Danilo, Theo Hernandez, Dani Ceballos, Marco Asnesio iyo Luka Jovic oo noqday midkii ugu dambeeyay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close