RASMI: Paris Saint – Germain oo ku dhawaaqday inuu ka tagayo mid ka mid ah xiddigaheeda muhiimka ah

(France) 05 Juunyo 2019. Paris Saint – Germain ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagayo mid ka mid ah xiddigaheeda ugu muhiimsan kooxda dhamaadka bishan Juunyo.

Maamulka PSG ayaa go’aansaday inaysan heshiiska u kordhinin goolhaayaha reer Talyaani ee Gianluigi Buffon, waxayna sheegeen in dhamaadka bishan uu kooxda ka tagayo.

Hadaba war rasmi ah ee kasoo baxay kooxda ka dhisan caasimada Faransiiska ee Paris Saint – Germain ayaa lagu sheegay:

“Kaddib markii si qoto dheer ee xasiloon loo fikiray, kooxda Paris Saint – Germain waxay go’aansatay inaysan dib u cusbooneysiinin qandaraaska goolhayaha halyeeyga ah, kaasoo ku eg 30-ka bishan Juunyo”.

Dhinaca kale Gianluigi Buffon oo isagana dareenkiisa ka hadlayay ayaa wuxuu yiri:

“Aad ayaan u faraxsanahay sababtoo ah marnaba ma fududa inaad guuleysato, gaar ahaan da’ada 41 jir, wayna adag tahay inaad sii joogto”.

“Waxaan qabaa inaan xilli ciyaareed fiican sameeyay, sidoo kale waxaan qalad sameeyay kulankii aan la ciyaarnay Manchester United, balse guud ahaan waan ku qanacsanahay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close