Maradona oo dhaleeceyn u jeediyay Pogba, isagoo dhinaca kale ugu baaqay inay la saxiixdaan si uu tababare ugu noqdo

(England) 05 Juunyo 2019. Halyeeyga reer Argentina ee Diego Maradona ayaa wareysi uu la yeeshay majaladda Ingariiska ah ee “FourFourTwo” si uu uga hadlo arrimo dhowr ah, gaar ahaan Manchester United.

Diego Maradona ayaa aaminsan inuu awood buuxda u leeyahay hogaaminta kooxda Manchester United sidaasi darteed waxa uu sheegay inuu ku haboon yahay shaqada tababarnimo ee Red Devils.

“Manchester United waa koox u tartan koobab, anigana sidaas oo kale ayaan ahay”.

“Haddii kooxda Manchester United ay u baahan tahay tababare cusub, waxaan ahay nin ku habboon shaqadaas, waan ogahay inay ku iibiyaan maaliyado badan adduunka oo dhan”.

“Manchester United waxay aheyd kooxdii aan ugu jeclaa England, waxay ahayd koox weyn xiligii Sir Alex Ferguson, laakiin haatan Manchester City ayaa haatan ah sababa la xiriira Pep Guardiola, sababtoo ah inbadan ayaan ka hadalnaa”.

“Waan jeclahay Ander Herrera in badan, lakiin Paul Pogba ma bixinayo dadaal ku filan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close