Zidane iyo ciyaartoyda Real Madrid oo si weyn kaga soo hor jeestay Heshiiska Maxamed Saalax

(Spain) 03 Juunyo 2019. Magaca xiddiga reer Masar iyo kooxda Liverpool ee Maxamed Saalax ayaa durba bilaabatay in lala xiriiriyo ku biirista Real Madrid suuqa xagaaga, kaddib markii uu Sabtidii kula guuleystay Reds tartanka xiisaha badan ee Champions League.

Wargeyska “Sport” ee gobolka Catalonia ayaa shaaca ka qaaday maanta oo Isniin ah, inkastoo madaxweynaha Florentino Perez doonayo inuu lasoo saxiixdo Maxamed Saalax oo 26 jir ah, hadane tababare Zinedine Zidane iyo ciyaartoyda Real Madrid ayaan dooneynin in la dhameystiro heshiiska.

Fikradda ay Real Madrid ku dooneysay Maxamed Saalax labadii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay ayay si weyn kaga soo hor jeeday qof walba oo ka mid ah Los Blancos ay ku jiraan Zidane iyo ciyaartoyda.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos uusan wali iloobin dhibaatada weyn uu la kulmay, kaddib dhaawacii ka soo gaaray Maxamed Saalax finalkii Champions League ee xili ciyaareedkii hore, kaddib markii ay isku dhaceen labada xiddig.

Waxaa xusid mudan in Maxamed Saalax uu Sabtidii lasoo dhaafay kula guuleystay Liverpool koobkiisii ugu horeeyay, kaddib markii ay ka qaadeen Tottenham Hotspur tartanka xiisaha badan ee Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close