WARBIXIN: Real Madrid oo si  ay ula saxiixato Paul Pogba dhigeeda Manchester United u bandhigtay shan xiddig.

(Manchester) 03 June 2019. Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa iney shan ka mid ah xiddigaheeda dooq ahaan ugu bandhigtay Man United si ay ugala soo wareegto xiddiga reer France Paul Pogba.

Los Blancos ayaa rabitaan saa’id ah u muujineysa xiddigii hore Juventus, Zidane ayaana ku adkeysanaya inuu kusoo biiriyo Santiago Bernabeu.

Wargeyska Times  ayaa baahiyay in kooxda boqortooyada ay dooneyso iney hal xiddig ka qeybgaliso heshiiska uu Paul Pogba ku imaanayo caasimadda, sidaas darteed waxey Red Devils usoo bandhigtay shan xiddig si ay uga xulato midkii ka qeyb gali lahaa heshiiska.

Gareth Bale ayaa noqday xiddiga koowaad ee liiska kusoo baxay, sidoo kale Keylor Navas, Theo Hernandez, James Rodriguez iyo Isco Alcaron.

Paul Pogba wuxuu qudhisia si weyn u doonayaa inuu ka hoos ciyaaro Zidane, inkastoo uusan qaadan fasalkiisii ugu fiicnaa hadana wuxuu kaso muuqday sanadkaan shaxda kooxda ugu fiican horyaalka Premier League.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close