Ma ogtahay in xiddiga kubadda koleyga LeBron James uu saami ku leeyahay Liverpool? Sidee ayuuse ugu dabaal dagay guushii Madrid?

(Liverpool) 03 June 2019. Weeraryahanka awoodda leh ee kooxda Los Angeles Lakers – LeBron James ayaa markii ugu horreysay u dabaal dagay guushii ay kooxdiisa Liverpool ka gaartay dhigeeda Spurs markii ay labada kooxood ku kulmeen final-ka tartanka horyaalada yurub.

Reds ayaa markii lixaad hanatay koobka horyaalada yurub, sidoo kalana waa markii labaad oo ay tartankaan hanato tan iyo markii magaca Champions League loo bixiyay horaantii sagaashamaadkii, balse dadka ugu badan ee kubadda cagta kama war qabaan in xiddiga kubadda koleyga James Lebron uu saami ku leeyahay kooxda.

Sida lagu qoray shabakadda Marca xiddigaan wuxuu saamiga kooxda Anfield ka dhisan ku leeyahay 2%, maadaama uu 9 Malyan oo doolar ku bixiyay maalgalin kooxda lagu sameeyay sanadkii 2016.

Reds 2-0 ayey dirtay Spurs, laba gool oo ay kala dhaliyeen Mohamed Salah iyo Divock Origi ayeyna ku xaqiijiyeen hanashada tartanka yurub.

Fariin hambalyo ah ayuu soo dhigay barta twitter-ka.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close