Liverpool oo kooxda Man United kasoo barbareysay RIKOOR muhiim ah, kaddib markii ay ku guuleysteen Champions League

(England) 03 Juunyo 2019. Liverpool ayaa ku guuleysatey inay la mid noqoto kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United oo ku jirta liiska kooxaha ugu koobabka badan taariikhda dalka England, kaddib markii ay ku guuleysatay Reds tartanka Champions League xilli ciyaareedkii 2018-2019.

Kooxda Liverpool ayaa qaaday Sabtidii lasoo dhaafay koobka Champions League markeedii 6-aad ee taariikhdeeda, kaddib markii ay Tottenham Hotspur ku garaaceen 2-0.

Liverpool iyo Manchester United ayaa haatan ah kooxaha dalka England ee ku guuleystay koobabka ugu badan, waxayna heystaan min 42 koob.

Kooxda Liverpool ayaa ku guuleysatay horyaalka Premier League 18 jeer, FA Cup 7 jeer, EFL Cup 8 jeer, Champions League 6 jeer iyo tartamada kale Yurub ee ah 3 jeer.

Si la mid ah Manchester United waxay ku guuleysteen horyaalka Premier League 20 jeer, FA Cup 12 jeer, 5 jeer EFL Cup, 3 jeer Champions League iyo tartamada kale ee yurub oo ah 2 jeer.

Hadaba Liiska Kooxaha Ku Guuleystay Koobabka Ugu Badan Dalka England Ayaa Kala Ah Sida Tan:

Liverpool 42 koob.

Manchester United 42 koob.

Arsenal 30 koob.

Chelsea waxay leedahay 24 koob.

Aston Villa 20 koob.

Manchester City 19 koob.

Tottenham Hotspur 17 koob.

Everton waxay leedahay 15 koob.

Newcastle United 11 koob.

Blackburn 10 koob.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close