Halyeeyga Franz Beckenbauer oo amaan kala dul dhacay tababare Jurgen Klopp

(Germany) 03 Juunyo 2019. Halyeeyga reer Germany ee Franz Beckenbauer ayaa amaan kala dul dhacay macalinka kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp, kaddib xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa uu la qaatay Reds.

Jürgen Klopp ayaa kula guuleystay tartanka Champions League kooxda Liverpool Sabtidii lasoo dhaafay kaddib markii ay Tottenham Hotspur ku garaaceen 2-0.

Hadaba halyeeyga kooxda Bayern Munich ee Franz Beckenbauer ayaa si cad u qiray sida uu u doonayo inuu arko Jürgen Klopp oo macalin ka ah kooxda Bavarian-ka maalin maalmaha ka mid ah.

“Ma doonayo wax ka badan inaan arko Jürgen Klopp oo tababare u ah kooxda Bayern Munich, aniga ahaan waa tababaraha ugu fiican adduunka”.

“Shaqada wanaagsan uu kasoo sameeyay kooxda Borussia Dortmund ayuu haatan ku dhameystiray Liverpool, dhab ahaantii wuxuu u qalmaa intaas iyo ka badan”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close