Guardiola oo ka hadlay fikirkiisa kaga aadan mustaqbalka Ernesto Valverde ee kooxda Barcelona

(Spain) 03 Juunyo 2019.Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa maanta sheegay in Ernesto Valverde uu yahay macalin weyn, isagoo tilmaamay inuu doonayo inuu sii wato shaqadiisa tababarka ee kooxda Barcelona.

Macalinka reer Spain ee Ernesto Valverde ayaa la kulmay dhaleeceeno xoogan kaddib markii ay Barcelona ku guuleysatay horyaalka La Liga oo kaliya xili ciyaareedkii dhawaan soo idlaaday ee 2018-2019, taasoo keentay in shaki weyn la galiyo mustabqalkiisa garoonka Cump Nou.

Yeelkadeeda. Pep Guardiola ayaa si weyn u difaacay saaxiibkiis Ernesto Valverde, wuxuuna carabka ku adkeeyay sida ay muhiim u tahay inuu sii ahaado macalinka Barcelona, kaddib shaqadii fiiceneyd uu kooxda kasoo qabtay.

Guardiola ayaa wareysi uu ku bixiyay “Catalunya Ràdio” wuxuu kaga hadlay mustaqbalka Valverde

“Aniga ahaan Valverde waa tababare cajiib ah”.

“Wuxuu shaqo fiican ka qabtay Barcelona labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay, Waa run in Valverde laga badiyay Champions League, balse dhamaanteen waan guuldareysanay”.

“Kooxdii ku guuleysatay labo jeer xiriir ah horyaalka, isla markaana ciyaartay kubadda cagta ee cajiib ah, waa hubaal inaan doonayo inuu sii joogo Ernesto Valverde”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close