Jurgen Klopp oo si RASMI ah u magacaabay liiska ciyaartoyda Liverpool ee kaga qeyb galaya kulanka finalka Champions League

(Yurub) 31 Maajo 2019. Tababaraha kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa ku dhawaaqay maanta oo Jimco ah liiska 23-ka ciyaartoy uu kala qeyb galayo kulanka habeen dambe ee finalka Champions League ay kula ciyaari doonaan Tottenham Hotspur, garoonka kooxda Atlético Madrid ee Wanda Metropolitano.

Liiska ciyaartoyda kooxda Liverpool uu ku dhawaaqay macalinka reer Germany ee Jürgen Klopp ayaa waxaa ku soo baxay laacibka reer Brazil ee Roberto Firmino, kaddib markii uu kasoo kabsaday dhaawacii uu qabay, halka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Naby Keïta uu wali la maqan yahay dhaawac dhanka jilibka ah.

Hadaba liiskan uu ku dhawaaqay tababare Jurgen Klopp ee kaga qeyb galaya kulanka habeen dambe ee finalka Champions League ayaa kala ah:

Goolhayeyaasha: Alisson Becker, Mignolet, Kelleher.

Daafacyada: Moreno, Alexander-Arnold, Lovren, Van Dijk, Gomez, Matip.

Khadka Dhexe: Milner, Wijnaldum, Fabinho, Henderson, Lallana, Chamberlain.

Weerarka: Saalax, Mané, Firmino, Origi, Shaqiri, Sturridge, Rhian Brewster.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close