Aguero oo ka yaabsaday Man City, kaddib markii uu shegay xiliga uu rajeenayo inuu ka tago Etihad Stadium

(England) 31 Maajo 2019. Weeraryahanka reer Argantina ee Sergio Aguero ayaa kaga yaabsaday kooxda Manchester City kaddib markii uu shegay xiliga uu rajeenayo inuu ka tago Etihad Stadium.

Sergio Aguero ayaa wareysi uu dhawaan ku bixiyay shabakada “Sky Sports” ee dalka England wuxuu ku sheegay inuu ku laabanayo kooxdiisii hore reer Argantina ee Independiente, kaddib marka uu soo idlaado heshiiska uu ku joogo Manchester City.

Aguero ayaa wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaaway:

“Waa wax iska cad in taageerayaasha Independiente ay xiiseenayaan inaan ku laabto, laakiin haatan waxaan qandaraas kula jiraa Manchester City”.

“Waxaan isku dayi doonaa inaan diirada saaro wax walba ee awoodeydu gaarsiisan tahay labada xilli ciyaareed ee soo socda”.

“Kaddib waxaan arki doonaa waxa aan sameyn doono, laakiin way iska cadahay inaan dib ugu laabanayo Independiente, sababtoo ah xili kasta waxay ii tahay mudnaanta koowaad”.

Tani ma ahan markii ugu horeysay uu Sergio Aguero sheego inuu doonayo dib ugu laabashada kooxdii carruurnimadiisa ee Independiente, kahor inta uusan kubadda cagta ka fariisan.

Yeelkadeeda, Aguero ayaa qandaraaska u kordhiyay kooxda Manchester City sanad kahor, wuxuuna heshiiska uu haatan ku joogo Etihad Stadium dhacayaa sanadka 2021-ka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close