“Wey wada imaan karaan xiddigaha Neymar Jr iyo Kylian Mbappé kooxda Real Madrid”

(Madrid) 29 Maajo 2019. Magacyada labada ciyaaryahan Paris Saint-Germain ee Neymar Jr iyo Kylian Mbappé ayaa lala xiriirinayaa kooxda Real Madrid suuqa kala iibsiga xagaaga ee soo socda.

Macalinkii hore kooxda Real Madrid ee Bernd Schuster ayaa aaminsan in Los Blancos ay awood u leedahay soo xero galinta xiddigaha ugu fiican adduunka suuqa xagaaga.

Image result for Bernd Schuster

Bernd Schuster ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain wuxuu ku sheegay, isagoo ka jawaabayay su’aal ahayd suurtagalnimada ay Neymar Jr iyo Kylian Mbappé ugu dhaqaaqi karaan garoonka Santiago Bernabeu:

“Waa suuragal in ciyaartoyda waaweyn ay hal meel ka wada ciyaaraan”.

“Laba, saddex ama afar, waxba ma ahan, Real Madrid waa mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn caalamka”.

“Ciyaartoyda intooda ugu badan, hadii aysan dhamaantood wada ahayn, waxay doonayaan inay u ciyaaraan Real Madrid, iyadoo Florentino Perez uu awood u yeelan karo inuu ciyaaryahan kasta keeno kooxda”.

Intaas kaddib macalinkii hore Real Madrid ee Bernd Schuster ayaa wuxuu ka hadlay wararka ku aadan in Sergio Ramos uu ka tagayo kooxda wuxuuna yiri:

“Uma maleenayo in Real Madrid ay noqon doonto la’aanta Sergio Ramos”.

“Waa kabtanka kooxda, balse waan fahmi karaa codsigiisa, waa ciyaaryahan ay saaran tahay mas’uuliyad badan, kaddib xili ciyaareedyo badan uu soo gaaray guulo badan, weydii naftaada, maxaa xigi kara”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close