Neymar Junior oo tababarka qaranka Brazil ku yimid diyaaradaha qumaatiga u kaca & lacagta ay ugu fadhiso oo shaaca laga qaaday.

(Brazil) 29 Maajo 2019. Weeraryahanka Paris Saint Germain – Neymar Junior ayaa tababarka xulka Brazil ku tagay diyaarad nuuca qumaatiga u kacda ah oo nuuceeda lagu sheegay Airbus H-145.

Diyaaradaan waxaa lagu sheegay dhirirkeeda 13.64 mitir, halka balaceeda uu yahay 3.95 mitir, waana mid ka mid ah farsamada shirkadda weyn ee Mercedes Benz.

Sida warbixintaan lagu xaqiijiyay, Neymar Junior isaga ayaa leh diyaaradaan waxeyna ugu fadhisaa qiimo dhan 13 Malyan oo Yuuro, kalarkeeda wuxuu doortay Madow iyadoo magaciisa iyo tilmaamaha kalaba lagu qoray kalar cadaan ah.

Diyaaradaan waxey saacadii jari kartaa xawaare dhan 248 KM.

Neymar sidoo kale wuxuu leeyahay diyaarad kale oo khaas ah, wuxuuna isticmaalaa marka uu safarada dhaadheer galayo, sidaas darteed xiddiga ugu qaalisan dunida wuxuu ku raaxeysanayaa dakhliga uu ka helo PSG.

Xiddigii hore Barcelona wuxuu kula midoobay saaxiibadiisa xerada tababarka ka hor bilowga Copa America oo bisha June ee soo aadan ka furmi doona isla Brazil.

GOOL FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close