Matthijs de Ligt oo qeyb kasoo noqday xiddigaha ay dooneyso Real Madrid, si ay kaga dhigato badalka Ramos

(Madrid) 29 Maajo 2019. Daafaca iyo kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa lala xiriirinayaa inuu ka dhaqaaqi doono garoonka Santiago Bernabéu, kaddib marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee xagaaga soo socda.

Warar dhawaan soo baxayay ayaa sheegayay in Sergio Ramos laga yaabo inuu ka tago Real Madrid, kaddib markii uu xaqiijiyay madaxweynaha kooxda ee Florentino Perez.

Hadaba wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in daafaca da’ada yar ee reer Holand iyo kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt uu qeyb ka soo noqday saxiixyada ay xiiseeneyso Real Madrid, si ay kaga dhigato badalka Ramos, hadii ay dhacdo inuu baxo.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in Real Madrid uu hogaaminyo Zinedine Zidane ay u arkaan in Matthijs de Ligt uu noqon karo badalka saxda ah ee Sergio Ramos hadii ay dhacdo inuu baxo.

Laakiin Real Madrid ayaa waxay dagaal xoogan ee ku aadan heshiiska Matthijs de Ligt kala kulmi doontaa kooxaha Barcelona iyo Paris Saint-Germain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close