HORDHAC: Arsenal vs Chelsea – Dhaawacyada, safarka macquulka ah & Wax walba oo ku saabsan final-ka UEFA Europa League.

(Baku) 29 Maajo 2019. Labada kooxood ee ka wada dhisan magaalada London (Arsenal iyo Chelsea ayaa isaga hor imaan doona final-ka tartanka xiisaha badan ee UEFA Europa League, waana markii ugu horreysay oo ay laba koox oo Ingiriis ah tartankaan yimaadaan tan iyo marka magaca laga badalay.

Sidoo kale waa markii ugu horreysay tan iyo 2012 oo ay laba kooxood oo isku wadan ah soo gaaraan final-ka tartankaan, mid ka mid ah ayaana la hoyan doonta koobka quruxda badan ee loo dhigay in ka badan 80-ka naadi ee qaaradda yurub.

Gunners waxey dooneysaa iney hanato koobkaan markii ugu horreysay halka Blues ay dooneyso iney hanato markii labaad maadaama ay 2013 ku guuleystaay iyadoo kasoo hartay heerka group-yada tartanka Champions League.

Kooxda waqooyiga London ka dhisan waxaa maamula Unai Emery oo saddex jeer horay ugu guuleystay koobkaan, sidoo kalana aad loogu tixgeliyo inuu tartankaan xiisaha badan aad u yaqaano, balse wuxuu la kulmayaa Maurizio Sarri oo aan waligiis wax koob ah ku guuleysan.

WARBIXINTA KULANKA

Kulanka: Arsenal vs Chelsea

Tartanka: UEFA Europa League (FINAL)

Garoonka: Baki Olimpiya Stadionu

Garsoore: Gianluca Rocchi (Italy)

Saacadda: 10:00 Habeenimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Blues dhibaatooyin baahsan ayaa heysta, waxaana lasoo warinayaa in Kante uu dib u dhac dhaawac ku yimid, waxaana la rajeynayaa inuu ka maqnaado kulanka caawa, sidaas darteed Barkley ayey suuragal tahay inuu dhexda kula midoobo Kovacic iyo Jorginho.

Rudiger, Odoi iyo Loftus-Cheek ayaa kooxda ka maqan kuwaas oo dhaawacyo kala duwan qaba, Sarri ayeyna u badan tahay inuu weerarkiisa kusoo bilaabo Olivier Giroud.

Dhanka Arsenal waxaan soo safrin oo London iska jooga Mkhitaryan oo arrimo diblomasiyadeed darteed usoo aadi waayay wadanka Azerbaijan, sidoo kale Aaron Ramsey ayaan heli doonin fursad uu garoonka kula galo saaxiibadiisa markii ugu dambeysay,  waxaa sidoo kale kooxda ka maqan – Hector Bellerin, Rob Holding iyo Denis Suarez.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Chelsea:

Kepa; Azpilicueta, Christensen, Luiz, Emerson; Kovacic, Jorginho, Barkley; Pedro, Giroud, Hazard

Arsenal:

Cech; Sokratis, Koscielny, Monreal; Maitland-Niles, Torreira, Xhaka, Kolasinac; Ozil; Aubameyang, Lacazette

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulanka labadan kooxood waa kii ugu horreeyay ee ka dhaca final-ka FA Cup, kan EFL Cup iyo mid ka mid ah labada tartan ee ugu waaweyn yurub.

Waa markii saddexaad oo ay laba kooxood oo isku wadan ah isugu yimaadaan final-ka tartanka Europa League, waxaa horay uga horreeyay Porto vs Braaga 2001 iyo Atletico Madrid vs Bilbao 2012.

Kani waa kulankii 198-aad ee labada kooxood isaga hor yimaadaan dhamaan tartamada oo dhan, balse waa kii 3-aad ee tartamada yurub, sidoo kale waxey ku kulmeen labada kooxood  quarter final-ka Champions League 2003/2004 markaas oo ay Blues 3-2 ku gudubtay.

Arsenal ayaa 2-0 guul ah gaartay kulankii ay labada kooxood ku kulmeen January garoonka Emirates, kana tirsanaa tartanka Premier League,  halka Blues ay 3-2 ku badisay kulankii Bridge ee bilowga fasalkii dhamaaday.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close