Xiriirka Kubadda Cagta Brazil oo go’aan ka gaaray Neymar Jr, maalmo kahor bilaawashada Copa America

(Ameerika) 28 Maajo 2019. Xiriirka Kubadda Cagta Brazil ee (BFA) ayaa go’aan ka gaaray xiddiga kooxda Paris St Germain ee Neymar Jr, maalmo kahor bilaawashada Copa America.

Xiriirka Kubadda Cagta dalka Brazil ayaa waxay ku dhawaaqeen in calaamada kabtanimada ee xulka ay ka wareegi doonto Neymar Jr una wareegi doonto dhanka saaxiibkiis ee Dani Alves inta lagu gudi jiro tartanka Copa America.

Dani Alves oo 36 sanno jir ah ayaa markii ugu dambeysay uu soo xirtay calaamada kabtanimada ee xulka qaranka Brazil waxay ahayd kulankii ay la ciyaareen Germany bishii Maarso ee sanadkii 2018.

Wuxuu markale dib u xiran doontaa kulanka saaxiibtinimo ay la ciyaari doonaan dhigooda Qatar  5-ta bisha June ee soo aadan, sidaasi waxaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xiriirka kubadda cagta ee dalka Brazil.

Yeelkadeeda, xiriirka kubadda cagta ee dalka Brazil ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Neymar Jr ay ku war galiyeen go’aanka uu qaatay macalin xulka Brazil ee Tite sabtidii lasoo dhaafay, halka Dani Alves loo sheegay maalin kaddib.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close