Roberto Martínez oo ka hadlay haddii uu diyaar u yahay inuu tababare u noqdo Barcelona

(Spain) 28 Maajo 2019. Macalinka xulka qaranka Belgium ee Roberto Martínez ayaa ka hadlay wararka xanta ah eesheegayay saacadihii lasoo dhaafay inuu yahay musharaxa ugu cad cad ee noqon kara tababaraha cusub kooxda Barcelona ee xili ciyaareedka soo aadan.

Tababaraha Isbaanishka ah ayaa xaqiijiyay inuusan wadahadal la gali doonin koox kasta isagoo aan marka hore la hadlin xiriirka kubadda cagta ee dalka Belgium.

Roberto Martínez oo si toos uga hadlay wararka xanta ah ee lala xiriirinayo kooxda Barcelona ayaa wuxuu yiri:

“Ma dhihi doono haa qof walba, anigoon marka hore la hadlin xiriirka kubadda cagta ee dalka Belgium”.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in rajada ku aadan in tababare Roberto Martínez uu leylin doono kooxda Barcelona aysan wali kala cadeyn, maadaama uusan wali xaqiijinin ama diidin fikrada uu ku noqon karo tababaraha kooxda Barcelona ee xili ciyaareedka soo socda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close