Gareth Southgate oo ku dhawaaqay 23-ka ciyaaryahan uu kala qeyb galayo UEFA Nations League

(England) 27 Maajo 2019. Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa ku dhawaaqay liiska ka kooban 23-ka laacib ee kaga qeyb galaya UEFA Nations League.

48 jirkan ayaa go’aansaday inuusan liiskan ugu yeerin afarta xiddig ee kala ah Kieran Trippier, Harry Winks, James Ward-Prowse iyo Nathan Redmond.

Xulka qaranka England ayaa kula ciyaari doona dhigooda Netherland wareega afar dhamaadka tartanka UEFA Nations League 6-da bisha June ee soo aadan, halka Portugal ay la ciyaari doonaan Switzerland 5-ta June.

Hadaba liiska uu ku dhawaaqay tababare Gareth Southgate ayaa magacyadii ku soo baxay waxaa ka mid ah:

Goolhaayayaasha: Jordan Pickford, Jack Butland, Tom Heaton.

Daafacyada: Kyle Walker, Danny Rose, John Stones, Harry Maguire, Joe Gomez, Ben Chilwell, Michael Keane, Trent Alexander-Arnold.

Khadka Dhexe: Eric Dier, Jesse Lingard, Jordan Henderson, Declan Rice, Fabian Delph, Ross Barkley, Dele Alli.

Weerarka: Harry Kane, Raheem Sterling, Jadon Sancho, Marcus Rashford, Callum Wilson.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close