WAR CUSUB: Manchester United oo isaga hartay raacdada ay ugu jirtay soo xero galinta Matthijs De Ligt (Maxay tahay sababta?)

(England) 26 Maajo 2019. Manchester United ayaa go’aansatay inayan isaga harto raacdada ay ugu jirtay inay ku soo qaadato xiddiga da’ada yar ee reer Holland iyo kooxda Ajax ee Matthijs De Ligt, inta lagu gudi jiro suuqa xagaaga ee furmi doona.

Manchester United ayaa dooneysa inay soo qaadato Matthijs De Ligt si ay ugu xoojisato difaaca kooxdeeda, waxayna wararka sheegayaan in kooxda reer England ay isku diyaarineysay dalab gaarsiisan 80 milyan oo euros ah si ay u dhameystirto heshiiska.

Ilo wareedyo ka tirsan kooxda ayaa u sheegay shabakada caanta ah ee “Sky Sports” in Manchester United ay ka baxeyso raacdada ay ugu jirto soo xero galinta daafaca kooxda Ajax ee Matthijs De Ligt, madaama xubno badan ee ka tirsan guddiga farsamada ee kooxda ay aaminsan yihiin in ciyaaryahanka uu ku biiri doono Barcelona.

Dhinca kale waxaa saacadihii lasoo dhaafay jiray warar ku saabsan in kooxda Red Devils ay qaaday tallaabo ay xiddigaan kula soo wareegeyso kaddib markii Barcelona ay diiday iney wakiilka xiddigan ee Mino Riola siiso adduun dhan 12 Malyan oo Pound oo ka baxsan heshiiska, sidas darteed xiddigaan labada koob kooxdiisa kula guuleystay uu kusii jeedo horyaalka Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close