Sarri oo shuruud kaga dhigay Juventus in loo sameeyo saxiixyada saddex xiddig si uu u noqdo badalka Allegri

(Italy) 26 Maajo 2019. Waa wax iska cad in Maurizio Sarri uu yahay musharaxa ugu dhow ee macalin u noqon kara kooxda Juventus xili ciyaareedka soo socda, sida laga soo xigtay channel-ka Rai Italia, kaddib markii ay kulan la qaateen Fabio Paratici oo ah agaasimaha ciyaaraha ee Bianconeri.

Massimiliano Allegri ayaa ka tagi doona Juventus kaddib kulankiisa ugu dambeeya ay caawa kula ciyaari doonaan kooxda Sampdoria horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Allegri ayaa kooxda Juventus ku soo qaatay mudo dhan 5 xili ciyaareed ah, wuxuuna kul guuleystay 11 koob maxali ah ay ku jiraan 5 jeer horyaalka Serie A.

Sida laga soo xigtay channel-ka Rai Italia Maurizio Sarri ayaa ogolaaday inuu ka shaqeeyo kooxda Juventus, isagoo haatan macalin ka ah Chelsea isla markaana uu u harsan yahay kulan muhiim ah, kaasoo 3 maalin kaddib ay kooxda Arsenal kula ciyaari doonaan finalka UEFA Europa League.

Hadaba Rai Italia ayaa sheegay in tababare Maurizio Sarri uu shuruurd kaga dhigay imaatinkiisa kooxda Juventus in la sameeyo saxiixyada 3 ciyaaryahan oo qaarkood ay qeyb ka yihiin safka Napoli.

Maurizio Sarri ayaa codsaday inuu helo saxiixyada kala ah Faouzi Ghoulam, Kalidou Koulibaly, waxaa sidoo kale jira warar kale ee sheegaya in Sarri uu isku dayayo in Gonzalo Higuaín uu dib ugu soo celiyo kooxda Juventus, kaasoo haatan amaah ahaan ku jooga Chelsea.

Macalinka reer Talyaani ayay wararka sheegayaan inuuu qorsheenayo in markale uu dib ula laabto dalka Talyaaniga xiddiga haatan kula sugan kooxd Blues ee Jorginho.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close