Real Madrid oo laga soo diiday dalabkii ay ka gudbisay difaaca kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly

(Madrid) 26 Maajo 2019. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la soo warinayaa inay laga soo diiday dalabkii ay ka gudbisay difaaca dhexe ee naadiga Napoli, Kalidou Koulibaly.

Kooxda reer Talyaani ee Napoli ayaa Los Blancos ka soo diiday dalabkii 80-ka milyan ee gini ahaa oo ay ka gudbisay difaacan xoogga weyn ee Kalidou Koulibaly.

Real Madrid ayaa la rumeysan yahay inay suuqa ka baadi goobayso difaac dhexe oo cusub xagaagan, kaddib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in kabtankeeda Sergio Ramos uu ka fikirayo inuu isaga dhaqaaqo garoonka Bernabeu dhammaadka xilli ciyaareedka 2019-20.

Jariiradda Corriere dello Sport ayaa warinaysa in Real Madrid ay dalab ku kacaya 80 milyan oo gini ka gudbisay Koulibaly, laakiin dalabkaas waxaa ku gacan sayrtay oo iska soo diiday naadiga Napoli.

Kooxda Talyaaniga ka dhisan ee Napoli ayaa horay dalab ku kacayey 95 milyan oo gini ka soo diiday Manchester United oo dhankeeda rabtay inay la saxiixato difaacan la yiraahdo Koulibaly.

Koulibaly, kaasoo Napoli kaga soo biiray naadiga Genk xagaagii 2014-kii ayaa dhaliyey labo gool 48 kulan oo uu u saftay kooxda Napoli intii lagu guda jiray xilli ciyaareedka 2018-19.

27-sano jirkaan ayaa la rumeysan yahay in heshiiskiisa haatan lagu burburin karo adduun dhan 110 milyan oo gini, markaasoo haddii ay kooxi bixiso ay Napoli u ogolaan doonto inuu tago xagaagan.

Real Madrid ayaa sidoo kale la sheegayaa inay diiradda ku hayso difaaca kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk, kaasoo ay u aragto suuro-galnimada bedelka daafaceeda Sergio Ramos.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close