Juventus oo jawaab rasmi ah ka bixisay wararka ku saabsan inay xiriir la sameeyeen Pep Guardiola

(Italy) 26 Maajo 2019. Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Juventus Fabio Paratici ayaa daaha ka qaaday wararka xanta ah ee Bianconeri lala xiriirinayay macalinka reer Spain ee Pep Guardiola.

Fabio Paratici oo ka hadlayay xaqiiqada ku aadan dhowr arimood ee la xiriira kooxdiisa ayaa wuxuu yiri:

“Waxaan ka shaqeyneynaa hagida tababaraha soo socda, waa inaan sugnaa illaa inta aan ka qaadeyno talaabooyin suuqa kala iibsiga ee xagaaga”.

“Waxaan heysanaa fikrado cad, waxaana u sheeqeeneynaa si dagan illaa iyo dhamaadka tartamada oo dhan”.

“Waxay u muuqataa mid cadaalad ah inaan daganaan iyo ixtiraan muujino dhamaanteen”.

Fabio Paratici ayaa intaas kaddib ka hadlay arinta ku saabsan inay xiriir la sameeyeen macalinka reer Spain ee Guardiola wuxuu yiri:

“Marnaba ma aanan la hadlin Pep Guardiola mana ku fikirin isaga, sababtoo ah qandaraaskiisa oo dhan wuxuu u muuqdaa mid la yaab leh”.

“Iyadoo ay wali harsan yihiin finalada tartamada Yurub, waxaa macquul ah inay sii bataan ka hadlida macalimiinta Maurizio Sarri ama Mauricio Pochettino”.

Kooxda Juventus iyo tababare Massimiliano Allegri ayaa ku dhawaaqay inay kala tagayaan dhamaadka xili ciyaareedkan waxaana jira magacyo dhowr ah ee lala xiriirinayo inay noqon doonaan badalkiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close