Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeen arrimaha horumarinta gobollada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta oo maanta gaaray Magaalada Jowhar

(Jowhar) 25 Maajo 2019. Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeen arrimaha horumarinta gobollada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta, Abuukar Isloow  Xasan ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar ee Maamulka Shirshabeelle.

Socdaalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada aan kala joogsi lahayn ee socda kuwaasoo uu xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ku doonayo in lagu horumariyo ciyaaraha kubadda cagta ee maamul goboleedyada.

Safarka uu maanta Magaalada Jowhar ee maamulka Shirshabeelle ku tagay Guddoomiye ku xigeen arrimaha horumarinta gobollada, ahna guddoomiyaha Warbaahinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta Mr. Abuukar Isloow ayaa waxaa ku wehliyey xubno ka mid ah xiriirka gaar ahaan qeybta warfaafinta.

Wafdigan ayaa maanta ka ambaxay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana ay si nabad qab ah ku gaareen magaalada Jowhar oo uu safarkoodu ku wajahnaa.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo ay ka go’an tahay sarre u qaadista kubadda cagta guud ahaan dalka ayaa masuuliyiin ka socda waxa ay muddooyinkii la soo dhaafay ay socdaalo caynkan oo kale ah ku bixiyeen maamul goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Guddoomiye ku xigeenka horumarinka kubadda cagta Gobollada ahna guddoomiyaha Warbaahinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta Abuukar Isloow Xasan ayaa Gool FM u sheegay in magaalada Jowhar ay u tageen sidii ay uga horumarin lahaayeen dhanka Isboortiga gaar ahaan kubadda cagta.

Mr. Abuukar Isloow Xasan waxa uu sheegay in gelinka dambe ee berri oo Axad ah ay furi doonaan Xafiis uu ku shaqeyn doono Ururka kubadda cagta Maamulka Hirshabeelle oo uu qalabayntiisa leeyahay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Xafiiskaas berri laga furi doono Magaalada Jowhar hadduu Eebbe idmo sawirradiisa waxaad kala heli doontaan goolfm.net.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close