Kooxda Valencia oo ku guuleysatay Copa Del Rey, kaddib markii ay garaacday Barcelona… + SAWIRRO

(Spain) 25 Maajo 2019. Kooxda kubadda cagta Valencia ayaa ku guuleystay xilli ciyaareedkan 2018-19, Copa Del Rey kaddib markii ay 2-1 ku garaaceen caawa kulankii Final-ka ahaa naadiga Barcelona.

Valencia ayaa goolasha la horreysay waxaana labo gool qeybtii hore uga naxsaday Barcelona, Kevin Gameiro 21’daqiiqo iyo Rodrigo 33’daqiiqo, sidaas ayaana lagu kala nastay Barca oo lagu hoggaaminayey 2-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Barcelona ayaa gool iska soo celisay waxaana u dhaliyey 73’daqiiqo kabtankeeda Lionel Messi, laakiin goolkaasi guuldarro kama badbaadin kooxda Barcelona.

Kooxda Valencia ayaana sidaas guul weyn 2-1 kaga gaartay naadiga Barcelona, gacanta ku dhigtay Copa Del Rey.

Taasi waxa ay ka dhigan tahay kooxda Barcelona ay ku guuldarreysatay final-ka Copa del Rey markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2014-kii.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close