Koox ka dhisan Premier League oo hoggaaminaysa saxiixa Weeraryahanka Arsenal ee Danny Welbeck

(London) 25 Maajo 2019. Kooxda kubadda cagta Everton ayaa la soo warinayaa inay hoggaanka u hayso tartanka loogu jiro saxiixa Weeraryahanka naadiga Arsenal ee Danny Welbeck.

Xiddiga xulka qaranka England ayaa shan xilli ciyaareed ku qaatay garoonka Emirates, laakiin 28 sano jirkaan ayaa loo ogol yahay inuu ka tago Gunners marka uu dhammaado heshiiskiisa.

Tiro ka mid ah kooxaha Premier League ayaa xiiseynaya saxiixa Weeraryahankan, inkastoo Jariiradda London Evening Standard ay warinayso in kooxda Everton ay ugu cad-caddahay saxiixa dhaliyahan reer England.

Warku waxa uu intaa ku daryaa in kooxda Toffees ay diyaar la tahay lacagaha heshiiska laacibkan, iyadoo weeraryahankan uusan ciyaarin tan iyo 8 bishii November markii uu ka jabay Canqowga.

Kooxaha Wolverhampton Wanderers, West Ham United, Newcastle United iyo Crystal Palace ayaa sidoo kale la warinayaa inay xiiseynayaan Welbeck.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close