HORDHAC: Barcelona vs Valencia – Dhaawacyada, Safafka labada kooxood, Xogta kulanka & Xaqiiqooyinka Final-ka Copa Del Rey.

(Spain) 25 Maajo 2019. Barcelona ayaa dooneysa iney qaado koobkeedii labaad fasal ciyaareedkaan maadaama ay horay u xaqiijisay hanashada La Liga, balse waxey wajaheysaa koox baahi weyn u qabta iney koob qaado waana Valencia.

Sida laga dareemayay shirka jaraa’id ee kooxda Balaugrana, wali waxey ka niyad jabsan yahiin wixii ku qabsaday Anfield kulankii lugta labaad ee semi final-ka Champions League, balse waxey u baahan yahiin iney guul gaaraan si ay fasal ciyaareedka farxad ugu soo xiraan.

Tababaraha Valencia (Marcelino) wuxuu isku heystaa macalinka qura ee fahmi kara hanaanka lagu celiyo Lionel Messi, sida uu ku xaqiijiyay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka caawa.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Barcelona vs Valencia

Tartanka: Copa Del Rey (FINAL)

Garoonka: Estadio Benito Villamarin

Sacaadda: 10:00 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Alberto Undiano (Spain)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Barcelona:

Kooxda Barcelona ayaa dooneysa iney guul kusoo xirto fasalka sidoo kalana laba koob oo maxali ah qaanadeeda ku darsato, xisaabtana ku darso in Balaugrana ay markii shanaad oo xiriir ah qaadi doonto koobka boqorka hadii ay caawa ka guuleystaan Valencia.

Ernesto Valverde dhibaatooyin dhaawac ayaa kooxdiisa heysta ka hor kulanka caawa, Marc ter Stegen ayaan ka qeyb gali doonin kulanka iyadoo Jasper Cillessen uu buuxin doono booskiisa.

Coutinho ayaa la rajeynayaa inuu tijaabada ka gudbo isla markaana ciyaaro, halka Malcom iyo Sergi Roberto ay u dagaalami doonaan booskooda.

Ciyaartoyda maqan: Ter Stegen (dhaawac), Luis Suarez (dhaawac), Rafinha (dhaawac)

Ciyaartoyda shakiga la galiyay: Semedo (dhaawac), Arthur (dhaawac), Dembele (dhaawac), Boateng (dhaawac), Coutinho (dhaawac)

Valencia:

Kooxda Valencia waxaa dhaawac kaga maqnaan doona Cheryshev, sidoo kalana Garay ayaa shaki la galinayaa inuu ka hortago Barcelona, sidoo kalana kooxdaan waxey ku raaxeysaneysaa hormar macquul ah maadaama ay gaareen semi final-ka UEFA Europa League, sidoo kalana booska 4-aad ayey kaga dhameysteen La Liga.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Barcelona:

Cillessen; Semedo, Pique, Lenglet, Jordi Alba; Rakitic, Busquets, Vidal; Sergi Roberto, Messi, Coutinho

Valencia:

Jaume Domenech; Wass, Gabriel, Garay, Gaya; Carlos Soler, Dani Parejo, Kondogbia, Goncalo Guedes; Santi Mina, Rodrigo.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Barcelona ayaa gurigeeda dhibic kaga heshay Valencia bishii February, 2-0 ayey ku hormareen kooxda martida aheyd balse Messi ayaa labada gool ka keenay.

Sidoo kale kulankii Mastella ka dhacay sidaasoo kale wuxuu kusoo dhamaaday 1-1, Garay ayaa hogaanka u dhiibay kooxda gurigeeda joogtay.

Fasal ciyaareedkii 2017/2018 waxey labadaan kooxood kulmeen afar kulan, Balaugrana ayaana guuldaro la’aan ka sameysay maadaama ay saddex jeer adkaadeen.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close