“Waxaan diyaar u nahay inaan kor u qaado koobka Champions League”

(Yurub) 24 Maajo 2019. Xiddiga heerka caalami ee xulka qaranka Holand iyo kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa xaqiijiyay inuu rajeenayo inay helaan abaal marinta wax qabadkooda cajiibka ahaa ee xili ciyaareedkan.

Georginio Wijnaldum ayaa sheegay inay muhiim tahay in xili ciyaareedkan ay kaga guuleystaan kooxda Tottenham Hotspur tartanka xiisaha badan ee Champions League.

Laacibka reer Holand ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada rasmiga ah ee Reds wuxuu ku sheegay:

“Qof walba waxa uu diirada saarayaa inuu ku guuleysto koob, gaar ahaan maadaama aan soo qaadanay xili ciyaareed fiican, waxaan ka helnay 97 dhibcood horyaalka”.

“Laakiin nasiib daro kuma guuleysan horyaalka, waana sababta aan u dooneyno in Reds ay xili ciyaareedkan ku dhameysato ku guuleysiga koob, kulanka ugu dambeeya ee xili ciyaareedka”.

“Waan awoodi weynay inaan ku guuleysano horyaalka, sababtoo ah kuma aysan jirin gacmaheena”.

“Haatan wey ka duwan tahay, waa kulan final ah, sidaasi darteed waxaan isku dayi doonaa inaan ka faa’iideysano, isla markaana aan guuleysano kulankan, laakiin waan ognahay in Tottenham ay tahay koox awood badan”,ayuu hadalkiisa ku soo xiray Wijnaldum.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close