Valverde oo si RASMI ah u magacaabay liiska ciyaartoyda Barcelona ee ka qeyb galaya kulanka finalka Copa del Rey

(Spain) 24 Maajo 2019.Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa si RASMI ah ugu dhawaaqay liiska xidigaha Blaugrana ee kaga qeyb galaya kulanka habeen dambe ee finalka Copa del Rey ay kula ciyaari doonaan Valencia.

Macalinka reer Spain ayaa go’aansaday inuu u yeero saddexda ciyaaryahan ee dhaawaca kaga maqan ee Philippe Coutinho, Arthur Melo iyo Nélson Semedo, inkastoo aysan haysanin oggolaansho caafimaad, waxayna maanta ka qeyb galeen tababarka guud ee kooxda.

Hadaba liiskan uu ku dhawaaqay Ernesto Valverde ee ka qeyb galaya kulanka habeen dambe ee kulanka finalka Copa del Rey ayaa kala ah:

Ter Stegen, Cillesen, Semedo, Pique, Ivan Rakitić, Busquets, Coutinho, Arthur Melo, Luis Suarez, Lionel Messi, , Malcom, Lenglet, Jordi Alba, Sergi Roberto, Murillo, Vidal, Umtiti, Alcántara, Vermaelen, Prince Boateng, Ousmane Dembélé, Aleñá., Abel Ruiz, Iñaki Peña iyo Carles Pérez.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close