Miralem Pjanić oo si xoogan u amaanay macalinka reer Talyaani ee Massimiliano Allegri

(Italy) 24 Maajo 2019. Laacibka reer Bosnia iyo kooxda Juventus ee Miralem Pjanić ayaa si weyn u amaanay macalinkiisa Massimiliano Allegri, kaasoo ka tagi doona Bianconeri dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sidoo kale Miralem Pjanić ayaa ka warbixiyay inuu hada kahor iska diiday xirashada maaliyada xulka qaranka France, sababa la xiriira xulkiisa Bosnia.

Miralem Pjanić ayaa yimid kooxda Juventus saddex sano kahor, halka uu bilaabay inuu ka xamaasho gudaha france isagoo 14 jir ah, wuxuuna u soo ciyaaray kooxaha Metz iyo Lyon.

Shabakada “Football Italia” ayaa soo bandhigtay hadalada Miralem Pjanić waxaana ka mid ahaa:

” Massimiliano Allegri wuxuu marwalba inoo maareyn jiray si aan caadi aheyn”.

“Ma fududa in la maamulo kooxdan, balse macalinkeena wuxuu mar walba awood u lahaa inuu taas sameeyo”.

“Markii aan ahaa 18 jir isla markaana aan u ciyaari jiray kooxda Lyon, waxaa ila soo hadlay xiriirka kubadda cagta dalka France, waxay ahaayeen kuwo si xoogan ii xiiseenayay”.

“Laakiin xulkeyga qaranka Bosnia ayaa xili hore ila soo xiriiray, inaan xirto maaliyadooda waxay ahayd riyadeyda, go’aanka doorashada wuxuu ahaa mid aad u adag, laakiin markaan gaaray sanadkeygii 17-aad ayaan go’aansaday”.

“Sanadkii 2014 koobkii aduunka ee lagu qabtay dalka Brazil waxaan ciyaarnay Koobka Aduunka markii ugu horeysay ee  taariikhdeena, waxayna ii ahayd sharaf aad u weyn”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close