RASMI: Juanfran oo xaqiijiyey inuu xagaagan ka tagi doono kooxda Atletico Madrid

(Madrid) 23 Maajo 2019. Ciyaaryahan Juanfran ayaa xaqiijiyey inuu ka tagi doono xagaagan kooxda Atletico Madrid ee ka dhisan caasimadda Waddanka Spain ee Madrid.

Juanfran waxa uu sheegay inuu ka dhaqaaqi doono Atletico Madrid xagaagan marka uu dhammaado heshiiskiisa.

Waxa uu ka tagayaa Juanfran kooxda Atletico Madrid kaddib siddeed xilli ciyaareed oo uu la joogay.

34-sano jirkaan ayaa kooxda reer Spain kula guuleystay 7 koob oo ay ku jiraan horyaalka La Ligaha Spain, labo Europa League iyo labo European Super Cup.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close