Manchester City oo talaabo u jirta soo xero galinta xiddig ka tirsan kooxda Juventus

(England) 23 Maajo 2019. Manchester City ayaa ku dhow inay lasoo saxiixato xiddig ka tirsan Kooxda Juventus inta lagu gudi jiro suuqa kala iibsiga ee xagaaga, sidaas waxaa lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay dalka Portugal.

Wargeyska “Record” ee dalka Portugal ayaa sheegay in kooxda Manchester City ay ku dhow dahay soo xero galinta laacibka reer Portugal iyo Juventus ee João Cancelo.

Image result for João Cancello

João Cancelo ayaa sidoo kale lagu tiriyaa inuu ka mid yahay xidigaha bar-tilmaameedka u ah kooxda Manchester United, maadaama Red devils ay dhankeeda si xoogan u dooneyso inay soo xero galiso laacibkan.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in naadiga Sky Blues ay talaabo u jirto soo xero galinta João Cancelo, maadaama ay ogolaatay lacagaha ay codsatay kooxda Juventus ee gaarsiisan 60 milyan euro.

Yeelkadeeda, Juventus ayaa faa’iido weyn ka heli doonta iibinta João Cancelo, maadaama ay kala soo saxiixdeen kooxda reer Spain ee Valencia aduun lacageed dhan 40 milyan oo euros.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close