Barcelona oo ka fiirsaneysa heshiisyada SHAN ciyaaryahan si ay kaga doorato badalka Luis Suárez

(Barcelona) 23 Maajo 2019. Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Barcelona ay weli raadineyso saxiixa xiddig ay badel kaga dhigato Luis Suarez xilli ciyaareedka soo socda, inkastoo ay wararku sheegayaan in kooxda ay go’aamisay heshiiska weeraryahanka reer France ee Antoine Griezmann.

Barcelona ayaa haatan si xoogan lala xiriirinayaa saxiixa Antoine Griezmann, kaddib markii uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka tagayo kooxda Atletico Madrid, iyadoo qandaraaskiisa lagu kansali karo qiimo dhan 200 milyan ilaa iyo 120 milyan oo euros bisha July ee soo aadan.

Wargeyska ayaa wuxuu intaas ku sii daray in imaanshiyaha Griezmann ee garoonka Cump Nou aysan ka hor imaan doonin Barca inay la saxiixato weeraryahan cusub, waxaana jira fursado dhowr ah ee horyaala maamulka kooxda reer Catalonia.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in maamulka kooxda Barcelona ay bar-tilmaameedka koowaad ka dhiganayaan weeraryahanka Celta de Vigo ee Maxi Gómez, kaasoo 31 gool ka dhaliyay horyaalka La Liga laba xilli ciyaareed, iyadoo qiimaha lagu kansali karo heshiiskiisa uu gaarayo 50 milyan oo euros, halka kooxda reer Cataliona ay dooneyso inay kula soo saxiixato qiimo dhan 25 milyan ah.

Magaca labaad ee lala xiriirinayo kooxda Barcelona ayaa ah weeraryahanka reer Spain Fernando Llorente oo 34 jir ah, iyadoo heshiiska uu ku joogo Tottenham Hotspur uu ku egyahay bisha July, taasoo ka dhigeysa doorasho sahlan, iyadoo aan kaga bixi doonin wax lacago ah.

Dabcan waxaa liiskan qeyb ka ah xiddiga kooxda Sevilla ee Wissam Ben Yedder, Waa ciyaaryahanka ugu fiican marka loo fiirayo xulashada ay heysato kooxda Barcelona, wuxuu ka qeyb qaatay xili ciyaareedkan 30 gool, isagoo dhaliyay 19 gool, halka 11 kale uu caawiyay, qiimaha lagu kansali karo heshiiskiisa ayaa gaarsiisan 40 milyan euro.

Sidoo kale waxaa xulashooyinka qeyb ka ah weeraryahankii hore ee kooxda Real Madrid Pablo Sarabia isla markaana haatan ka tirsan Sevilla. Wuxuu awood u leeyahay inuu ka ciyaaro xarumo badan ee dhanka weerarka ah, isagoo muhiim ka noqon kara Barcelona.

Magaca ugu dambeeya ee lala xiriirinayo Barcelona ayaa ah weeraryahanka kooxda  Girona ee Cristhian Stuani kaasoo bixiyay xili ciyaareed cajiib ah, Barca ayay u sahlanaan doontaa inay la saxiixato laacibkan, maadaama ay kooxda reer Spain u laabatay heerka labaad, waxaana lagu sheegay qiimaha lagu heli karo saxiixiisa haatan uu gaarsiisan yahay 20 milyan ilaa 10 milyan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close