RASMI: Laacibkii ay wada doonayeen kooxaha waa weyn ee Premier League,  Julian Brandt oo ku biiray Borussia Dortmund

(Dortmund) 22 Maajo 2019. Kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund ayaa xaqiiisay inay la soo saxiixatay Julian Brandt, kaasoo ay kala soo wareegeen naadiga Bayer Leverkusen, waxaana uu qalinka ugu duugay heshiis shan sanandood ah.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa dhammaystiray gelinkii dambe ee maanta saxiixa Weeraryahankii Bayer Leverkusen ee Julian Brandt.

23-sano jirkaan ayaa qalinka ugu duugay Dortmund heshiis shan sanadood ah oo ku sii hayn doona Westfalenstadion illaa bisha June sanadka 2024-ka.

Brandt oo 23-kulan u saftay xulka qaranka Jarmalka ayaa la la xiriirinayey qaar ka mid ah lixda kooxood sare ee ka dhisan horyaalka Premier League, waxaana si gaar ah saxiixiisa ugu dhowaa kooxaha Liverpool iyo Tottenham.

Waxa uu noqonayaa Brandt saxiixii saddexaad oo ay sameyso kooxda Borussia Dortmund kaddib markii ay maanta ku dhowaaqday saxiixa Thorgan Hazard, horayna ay u soo qaadatay difaaca Nico Schulz.

Gelinkii hore ee maanta ayey Dortmund ku dhawaaday saxiixa laacibkii hore ee khadka dhexe ee Chelsea iyo garabkii naadiga Borussia Monchengladbach ee Thorgan Hazard.

Kooxda ayaa sidoo kale dhammaystirtay Talaadadii difaaca garabka bidix ee Nico Schulz, kaasoo ay kala soo wareegeen kooxda Hoffenheim.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close