Man United oo dooneysa Rakitic, Sarri oo qaban kara Juve, Lampard oo soo laabanaya & Wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

(Yurub) 22 Maajo 2019. Maalin wanaagsan saaxiibayaal meel walba oo aad joogtaan, kusoo dhawaada xubinta suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo taxane inoo ahaan doonta, waxaan idiin soo koobi doonaa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda kooxaha qaaradda yurub.

Masuul kama noqon doono xaqiiqada iyo jiritaanka wararka aan hoos idinkugu soo gudbino maadaama aan u xaglin doono ilaha aan kasoo xiganay.


Maurizio Sarri ayaa 60% bartilmaameed u ah Juventus iyagoo doonaya iney ku badalaan Massimiliano Allegri, halka Roma ay qudheeda xiiso u qabto macalinkaan reer talyaani. (Sky Sports)

Macalinka Derby County Frank Lampard ayaa laga yaabaa inuu kusoo laabto Stamford Bridge si uu badal ugu noqdo Sarri, halka Juventus ay qudheeda magacaabi karto Simone Inzaghi. (Sky Sport Italia)

Blues ayaan hor istaagi doonin tababare Maurizio Sarri hadii kooxda marwada duqda ah ay bixineyso lacag dhan 5 Malyan oo magdhaw ah si ay dib ugu celiso talyaaniga. (Telegraph)

Arsenal ayaa eeganeysa goolhayaha reer Jarmal ee ka tirsan Dynamo Dresden Markus Schubert, 20-jirkaan ayaa si xor ah lagu heli karaa waxeyna doonayaan iney ku badalaan Cech. (Bild)

Man United ayaa dooneysa xiddiga Barcelona Ivan Rakitic oo 31-jir ah, kooxda ka dhisan Catalonia ayaana qudheeda dooneysa iney xiddigaan iska iibiso. (Express)

Paul Pogba ayaa laga yaabaa in laga dablado inuu aqbalo doorka kabtanimo ee kooxda si 26-jirkaan loogu qanciyo inuu sii joogo garoonka Old Trafford. (ESPN)

Red Devils ayaa sidoo kale wajaheysa iney bixiso adduun dhan 50 Malyan oo Pound hadii ay dooneyso xiddiga Crystal Palace ka tirsan ee Aaron Wan-Bissaka. (Mirror)

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close