Joachim Low oo ku dhawaaqay liiska laacibiinta Jarmalka ee uu kala hortagayo Belarus iyo Estonia, xilli xiddigo waa weyn laga tagay

(Germany) 22 Maajo 2019. Macallinka xulka qarnaka Jarmalka ee Joachim Low ayaa ku dhowaaqay liiska xiddigaha xulkiisa ee uu kala hortagato xulalka Belarus iyo Estonia, xilli xiddigo waa weyn ay maqan yihiin.

Mario Gotze ayaa ka maqan liiska xulka qaranka Jarmalka ee bisha soo socota ciyaari doona isreeb-reebka European Championship-ka, laakiin Leroy Sane iyo Marco Reus ayaa ku jira.

Xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Gotze ayaa dhaliyey goolkii caanka ahaa ee ay Jarmalku guusha kaga gaareen xulka Argentina Final-kii Koobkii Adduunka ee 2014, laakiin waxa uu seegay inuu metelo xulkiisa.

26-sano jirkaan ayaan metelin xulkiisa qaranka Jarmalka tan iyo bishii November sanadkii 2017-kii, laakiin inkastoo uu Gotze maqan yahay haddana, waxaa safka xulka lagu daray laacibka ay ka wada tirsan yihiin kooxda Borussia Dortmund ee Reus iyo Weeraryahanka kooxda Manchester City ee Sane.

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Real Madrid, Toni Kroos kaasoo heshiis cusub u saxiixay horraantii isbuucaan kooxdiisa reer Spain ayaa sidoo kale liiska xulka Jarmalka ka maqan sababo dhaawac muruqa ah, halka goolhayaha Arsenal ee Bernd Leno uu bedelay booska goolhayaha Barcelona ee Marc-Andre ter Stegen oo jilibka ka dhaawacan.

Xulka uu hoggaamiyo macallin Joachim Low ayaa Borisov kula ciyaari doona xulka Belarus 8 bisha June ka hor inta aysan Mainz kula dheelin dhiggooda Estonia saddex maalmood kaddib kulankaas.

SHAXDA XULKA QARANKA JARMALKA EE LAGU DHAWAAQAY OO DHAMMAYSTIRAN:-

Goolhayeyaasha: Bernd Leno (Arsenal), Manuel Neuer (Bayern Munich), Kevin Trapp (Eintracht Frankfurt).

Difaacyada: Matthias Ginter (Borussia Monchengladbach), Marcel Halstenberg (RB Leipzig), Lukas Klostermann (RB Leipzig), Jonas Hector (Cologne), Thilo Kehrer (Paris Saint-Germain), Nico Schulz (Hoffenheim), Niklas Stark (Hertha BSC ), Niklas Sule (Bayern Munich), Jonathan Tah (Bayer Leverkusen).

Khadka dhexe: Julian Brandt (Bayer Leverkusen), Kai Havertz (Bayer Leverkusen), Julian Draxler (Paris Saint-Germain), Serge Gnabry (Bayern Munich), Leon Goretzka (Bayern Munich), Joshua Kimmich (Bayern Munich), Ilkay Gundogan (Manchester City).

Weerarka: Leroy Sane (Manchester City), Marco Reus (Borussia Dortmund), Timo Werner (RB Leipzig).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close