David Beckham oo maanta ka soo muuqday tababarka ay Tottenham isugu diyaarinaysay Final-ka Champions League & Sababta ka dambeysa oo daaha laga rogay… + SAWIRRO

(London) 22 Maajo 2019. Xiddigii hore ee xulka qaranka England iyo kooxda kubadda cagta Manchester United, David Beckham ayaa maanta ka soo muuqday tababarkii ay kooxda Tottenham isugu diyaarinaysay final-ka Champions League.

Inta badan taageerayaasha kubadda cagta ayaa markii ay arkeen Muuqaalka iyo Sawirrada David Beckham oo dhex joogta wakhtina la qaadanaya xiddigaha Tottenham waxa ay durma soo bandhigeen firkado kala duwan oo quseeya dareenkooda.

Jamaahiirta kuwo ka mid ah waxa ay soo jeediyeen in booqashada Beckham ee xarunta tababarka Tottenham ay ahayd inuu dhiiro galin siiyo, isla markaana uu talo ka siiyo final-ka Champions League oo ay la leeyihiin kooxda Liverpool.

Halka kuwo kale ay sheegeen in xiddiga reer England uu ku mashquulasanaa shaqo la xiriirta kooxda Man United, laakiin waxaa ugu dambeyn daaha laga rogay sababta dhabta ahayd ee ka dambeysay in David Beckham uu maanta ka soo muuqdo tababarka kooxda Spurs.

Jariiradda Daily Mirror ayaa daboolka ka qaaday, isla markaana xaqiijiyey in David Beckham sababta dhabta ahayd ee uu maanta u booqday xarunta tababarka Tottenham ay ahayd arrimo ganacsi, maadaama uu heshiis kula jiro shirkadda AIA Group oo ah isla shirkadda maal galisa maaliyadda ay ku ciyaarto kooxda Tottenham.

Arrimahaas ganacsi ee ay Spurs iyo David Beckham kula jiraan shirkadda AIA ayaana noqotay sababta dhabta ah ee keentay in ciyaaryahankii hore ee Man United uu maanta ka soo muuqdo tababarka Tottenham.

SAWIRRO:

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close