Vincent Kompany oo ka warbixiyay xilliga uu go’aansaday inuu soo gaba-gabeeyo waayihiisa kooxda Man City

(Manchester) 21 Maajo 2019. Daafaca reer Belgium ee Vincent Kompany ayaa tilmaamay xiliga uu ogaaday inuu soo gaba-gabeeyo waayihiisa kooxda Manchester City.

Vincent Kompany ayaa xaqiijiyay kaddib goolkii uu ka dhaliyay kooxda Leicester City kulankii ay wada ciyaareen 6-dii bishan May, uu ogaaday in la joogo gaba-gabada waayihiisa Sky Blues.

Manchester City ayaa xaqiijisay in kabtankeeda Vincent Kompany uu kooxda ka tagi doono xagaagan kaddib 11-sanadood oo uu ku sugnaa.

Hadaba Vincent Kompany ayaa wareysi uu dhawaantan bixiyay wuxuu kaga hadlay xiliga uu ogaaday inuu soo idlaaday waqtigiisa kooxda Manchester City, wuxuuna yiri:

“Xillga aan kubadda dhax dhigay shabaqa kooxda Leicester City, waxaan ogaaday in wax walba ay soo idlaadeen, ma jiraan wax intaas ka badan ee aan qaban lahaa”.

“Waxaan u qabtay kooxdan wax walba ee aan awooday, ma qiyaasi karo sida aan ugu faraxsanahay arintaas, ma jiraan wax intaas ka badan, kaddib markii aan sameeyay wax walba ee aan awoodo”.

Dhinaca kale Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa wuxuu yiri:

“Wax badan ayaan u xiisi doonaa isaga, gaar ahaan aniga, laakiin waan kulmi doonaa mustabalka, sababtoo ah wuu soo laaban doonaa xili dhow ama xili fogba”.

“Waa qaabka ugu fiican ee leysku macsalaameyn karo kaddib xili ciyaareed qurux badan ee aan wada qaadanay, wuxuu ahaa hogaamiye dhab ah oo naga caawiyey wax badan”.

Si kastaba ha ahaatee, 33-sano jirkaan ayaa kooxda Sky Blue ku soo biiray xagaagii 2008, waxaana uu Man City u saftay 360 kulan, isagoo u dhaliyey 20 gool, wuxuuna Manchester City ka tagay isagoo kula guuleystay afar Premier League, labo FA Cup, afar League Cup iyo labo Community Shield.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close