Weeraryahan Claudio Pizzaro oo ku dhawaaqay inuu ciyaarayo sanadkiisii ugu dambeeyay kubadda cagta

(Bremen) 20 Maajo 2019. Saacado yar kaddib markii uu heshiis cusub oo sanad ah uu u kordhiyay kooxdiisa Werder Bremen ayaa waxaa laacibka reer Peru ee Claudio Pizzaro uu ku dhawaaqay in 2020 uu gebi ahaanba ka fariisanayo kubadda cagta.

Dhaliyihii hore ee kooxda Bayern Munich, Pizarro oo 40-sano jir ah ayaa leh taariikh guulo badan, waxaana uu 85 kulan oo uu Peru u saftay u dhaliyay 20 gool, halka 472 kulan oo Bundesliga ahna uu dhaliyay 197 gool.

Si walba oo ay ahaato Pizzaro wuxuu sheegay in wixii loo gaaro sanadka dambe uu sagootin doono garoommada ciyaaraha.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close