Kroos oo ka hadlay suurtagalnimada ay xiddigaha Pogba iyo Mbappe ku imaan karaan Real Madrid

(Spain) 20 Maajo 2019. Kooxda Real Madrid ayaa si rasmi ah u shaacisay maanta oo Axad ah inay heshiis cusub ee 4 sano ah ka saxiixatay laacibka khadka dhexe reer Germany ee Toni Kroos, kaasoo gaaraya ilaa iyo 2023.

Hadalka Toni Kroos ayaa wuxuu yimid, kaddib shirka jaraa’id uu kaga soo muuqday garoonka Santiago Bernabeu, si uu kaga hadlo dareenkiisa kaddib heshiiska cusub uu u saxiixay kooxdiisa maanta oo Axad ah.

Laacibka reer Germany ayaa ka hadlay dhowr arimood ee quseeya Real Madrid iyo bar-tilmaameedyada kooxdiisa ee xuli ciyaareedka cusub.

Toni Kroos ayaa ka hadlay sidoo kale suuqa kala iibsiga wuxuuna ka jawaabay su’aalo ku saabsan xoojinta safka kooxda Real Madrid ee xilli ciyaareedka soo socda iyadoo ay jiraan magacyo lala xiriirnayo ay ugu muhiimsan yihiin Paul Pogba iyo Kylain Mbappe wuxuuna yiri:

“Waan jeclahay Mbappe, inbadan ayaana jeclhay inaan daawado isaga, waa ciyaaryahan qaas ah, balse awood uma lihi inaan iibsado, waxaan qandaraas fiican kula jiraa kooxda, balse ugu dambeyntii ma iibsan karo Mbappe”.

Intaas kaddib Toni Kroos ayaa la weydiiyay su’aal ahayd suurtagalnimada uu Pogba ku imaan karo kooxda Real Madrid wuxuuna yiri:

“Pogba? waxaa jira magacyo badan ee halkan imaan kara si aan uga hadalno, laakiin ha yimaado qofka imaanaya, waxaan halkan u joognaa inaan dagaalano”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close