Kooxda Liverpool oo u duushay dalka Spain & Liiska xiddigaha Reds ee safarka ka qeyb galay oo la shaaciyey

(Liverpool) 20 Maajo 2019. Xiddigaha kooxda kubadda cagta Liverpool iyo Tababaraha reer Jarmal ee Jurgen Klopp ayaa u duulay dalka Spain, gaar ahaan Magaalada Marbella ee dalkaasi, si ay halkaa tababar ugu qaataan muddo todobaad ah.

Tababarkan ay cimillada kulul ee Spain ku qaadanayso kooxda Liverpool ayay isugu diyaarinaysaa Final-ka Champions League oo ay Totenham kula ciyaari doonaan Magaalada Madrid ee caasimadda dalkaas 01 bisha June ee soo aaddan.

Dalka Spain waxaa safka kooxda ee u duulay kaga sii horreeya oo soo dhoweyn doona weeraryahankooda reer Brazil ee Roberto Firmino kaasoo halkaa u jooga inuu ka soo kabto dhaawac gumaarka ah oo uu qabo.

Roberto Firmino ayaa dadaal ugu jira sidii uu taam buuxa ugu noqon lahaa kulanka Final-ka Koobka Horyaallada Yurub ee Champions League kaasoo ka dhacaya garoonka kooxda Atletico Madrid.

Haddaba halkaan hoose ka eeg Magacyada xiddigaha Liverpool ee u safray Spain, marka laga reebo Firmino oo halkaas kaga sii horreeya:-

Alexander-Arnold, Alisson, Brewster, Fabinho, Gomez, Henderson, Jones, Keita, Kelleher, Lallana, Lovren, Mane, Matip, Mignolet, Milner, Moreno, Origi, Oxlade-Chamberlain, Robertson, Salah, Shaqiri, Sturridge, Van Dijk, Wijnaldum, Woodburn.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close