“Geesiga England, Spain iyo Italy ma jiraan wax xadidan si aad u gaarto riyaadada” – CR7 oo hadlay

(Italy) 20 Maajo 2019. Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa farriin dhiirigalin ah u diray taageerayaashiisa ku xiran bogiisa rasmiga ah baraha bulshada ee Twitter-ka, kaddib markii loo caleemo saaray abaalmarinta ciyaaryahanka sannadka ee horyaalka Talyaaniga.

Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sanadka ee horyaalka Talyaaniga, kaddib markii uu kooxda Juventus si weyn kaga caawiyay inay guuleysato horyaalka Serie A markii 8-aad ee xiriir ah, kahor dhow kulan dhamaadka xili ciyaareedka.

Yeelkadeeda, Cristiano ayaa ku guuleystay abaal marinta ciyaaryahanka ugu fiican saddexda horyaal uu nasiibka u yeeshay inuu ka ciyaaro, ee kala ah Premier League, La Liga iyo Serie A.

Hadaba 34 jirkan ayaa wuxuu farriin dhiirigalin ah u diray taageerayaashiisa, kaddib guulihii uu ka gaaray horyaalka Talyaaniga wuxuuna yiri:

“Geesiga England, Spain iyo Talyaaniga, sidoo kale Ciyaaryahanka ugu fiican England, Spain iyo Talyaaniga, ma jiraan wax xadidan si aad u gaarto, marka maalin kasta ee ku soo marta ay ku rumoowdo riyadaada”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close