DEG-DEG: Toni Kroos oo ogolaaday inuu heshiis cusub u saxiixo Real Madrid & waqtiga uu saxaafadda hor imaan doono.

(Madrid) 20 Maajo 2019. Real Madrid waxey dhameysatay xilli ciyaareedkii ugu xumaa sanadahii lasoo dhaafay, waxaana jiri doona isku shaandheyn lagu sameyn doono xiddigaha, balse Toni Kroos wuu ka badbaaday maadaama uu ogolaaday inuu saxiixo heshiis cusub.

Xiddiga jarmalka u dhashay ayaa saxiixaya heshiis cusub oo dhamaanaya 2023, taasna waxey ka dhigan tahay inuu 4 sano kale sii joogayo garoonka Santiago Bernabeu.

Toni Kroos wuxuu ku gaari doonaa da’da 33-sano jirka hadii uu dhameysanayo heshiiska cusub uu ogolaaday, wuxuuna kooxdaan kusoo biiray sanadkii 2014.

29-jirkaan wuxuu kooxda kula guuleystay 3 jeer oo xiriir ah koobka Champions League iyo sidoo kale hal jeer oo La Liga ah, 13-gool ayuu u dhaliyay kooxda isagoo u saftay 233 kulan dhamaan tartamada oo dhan.

Sida lagu daabcay website-ka Real Madrid, xiddigaan wuxuu saxaafadda hor imaan doonaa 1:00 duhurnimo xilliga Madrid oo ku beegan 2:00 duhurnimo xiliga geeska Afrika.

Heshiiska ayuu qalinka ku duugi doonaa, saxaafadda ayuuna la hadli doonaa iyadoo warbaahinta ay baahineyso in Zidane uu muhiimad weyn u arko xiddigii hore Bayern Munich.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close