Vincent Kompany oo Facebook ku xaqiijiyey kooxda uu Tababare iyo ciyaaryahan ka noqon doono kaddib markii uu ka tagay Man City

(Manchester) 19 Maajo 2019. Vincent Kompany ayaa Tababare iyo ciyaaryahan ka noqonaya kooxda RSC Anderlecht kaddib markii uu ka tagay Naadiga Manchester City ee ka dhisan Waddanka Ingiriiska.

Kabtankii hore ee kooxda Manchester City ayaa la xaqiijiyey inuu ka tagay Sky Blues maanta kaddib markii uu ku sugnaa muddo 11 sanadood ah.

Waxa uu kooxda Man City u ciyaaray Vincent Kompany 360 kulan, waxaana uu u dhaliyey 20 gool.

Kompany ayaa xaqiijiyey inuu Tababare iyo ciyaaryahan ka noqon doono Anderlecht, taasoo daba socota go’aankii uu kaga tagay kooxda Manchester City.

33-sano jirkaan ayaa dib ugu laabana kooxda uu waayihiisa ciyaareed ka bilaabay ee Anderlecht ee ka dhisan dalkiisa Belgium, isagoo 13 sanadood oo uu ka maqnaa kaddib dib ugu laabanaya horyaalka Belgium.

“Saddexda sanadood ee soo aaddan, waxaan door ciyaaryahan iyo Tababare ka qaban doonaa kooxda RSC Anderlecht” ayuu Vincent Kompany ku bilaabay qoraal uu soo dhigay Facebook.

“Arrintaan layaab ayay idinku noqon doontaa.

“Waa go’aan aan ka fekeray, isla markaana ay xamaasad ii geysay.

“Ciyaaryahan ahaan, waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray RSC Anderlech.

“Tan iyo markii aan ahaa lix sano jir ayaan la joogay kooxda, taariikh 34 horyaal ah ma jiraan wax u dhigma.”

Vincent Kompany ayaa ka tagay kooxda Manchester City kaddib markii uu kula guuleystay afar Premier League, labo FA Cup, afar League Cup iyo labo Community Shield.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close